Daawo:Mo Farah Oo Sheegay Inuusan Waligiis Isticmaalin Wax Daroogo Ah

0
249

London(INO)— Orodyahanka caanka ah ee Mo Farah ayaa sheegay in uusan wax daroogo ah isticmaalin noloshiisa, kadib markii labo goor oo hore baaritaan lagu sameeyay.

_mofarah

Hadalka Mo Farah ayaa ka dambeeyay markii Tababarihiisa Alberto Salazar lagu eedeeyay inuu isticmaalo Daroogo, isla markaana ay ku socoto baaritaan.

Mo Farah ayaa xaqiijiyay in labo jeer baaritaan lagu sameeyay, ka hor ciyaartii Olombikada Adduunka ee sanadkii 2012 lagu qabtay London.

“Waligey ma aan isticmaalin Daroogo, nolosheyda inta ka dhimana ma isticmaali doono”ayuu yiri Mo Farah oo u orda Britain.

Mo Farah ayaa sheegay inuu ka dalbaday Salazar inuu jawaabo arrintaasi kabixiyo, isagoo sheegay in tababarihiisu u xaqiijiyay in eedaha loo jeediyay ay beenyihiin, dhawaanna uu caddeymo bixin doono.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa hadal heysay warka ku saabsan in tababarihiisa oo la sheegay inuu isticmaalo Daroogo, taasoo shaki badan keentay.

Mo Farah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, balse u orda Britain ayaa ku guuleystay Tartankii Olimbikada ee London lagu qabtay sanadkii 2012, labo biladood ee dahabka ah, gaar ahaan Orodada 5-kun iyo 10-kun ee mitir.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, London, Uk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here