Daawo:Mid Ka Mid Ah 2 Maxbuus Oo Ka Baxsatay Xabsi Ku Yaal New York Oo La Diley

0
261

New York(Jowhar)— Mid kamid ah labo maxbuus oo ka baxsatay xabsi weyn oo ku yaal magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa la diley kadib markii la baadigoobayay saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.

Sida ay baahisay warbaahinta Maraykanka Booliska ayaa toogtay dilayna Richard Matt oo 49 sano jir ah meel ku dhow xadka Maraykanka uu la leeyahay dalka Canada.

Halkan Ka Daawo Video.

David Sweat oo 35 jir ah ayay ciidamada Booliska dalka Maraykanka ay weli ka raadinayaan Koofurta Malone, New York.

Labadan maxbuus ayaa ka baxsatay xabsiga Clinton Correctional Facility oo ah xabsi si weyn loo ilaaliyo 6da June waxaana ay sababtay in boqolaal Boolis ah ay habeen iyo maalin baadigoobayeen.

Labo ka mid ah shaqaalaha xabsiga ayaa loo haystaa inay gacan ka geysatay sidii ay maxaabisitan u baxsan lahaayeen.

Richard Matt oo ah maxbuuska baxsadka ahaa ee la dilay ayaa hore loogu xukumay 25 sano oo xabsi kadib markii lagu helay dambi ah dil, sidoo kale maxbuuska weli baxsaday ee la raadinayo Sweat ayaa ku xukunaa xabsi daa’in.

_83892615_hi027899486

_83892618_83892617

2A01CC2600000578-0-Correction_officers_search_outbuildings_on_a_farm_as_the_manhunt-m-7_1435342970443

2A01CE4800000578-3140871-image-m-29_1435343772307

2A01CEBB00000578-0-image-m-18_1435343081699

2A01D12E00000578-0-Heavily_armed_officers_search_as_child_s_playhouse_in_Chasm_Fall-m-22_1435343228960

29CCFD0B00000578-0-On_the_run_Killers_David_Sweat_left_and_Richard_Matt_right_have_-a-17_1435343074156Idale News Online, New York

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here