Daawo:Barack Obama oo Xaqiijiyay in ay Geeriyootay Kayla Mueller

0
183

Washington(INO)-Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay Dhimashada Gabar u dhalatay Dalka Mareykanka oo gacanta ugu jirtay Xoogaga Islaamiyiinta Daacish ee ka dagaalama Dalka Siiriya.

Barack Obama ayaa sheegay in ay geeriyootay Kayla Mueller oo aheyd gabar gargaarka ka shaqeyneysay oo u dhalatay Dalka Mareykanka ,waxaana gabadhan mudo 18-bilood ah gacanta ugu jirtay xoogaga Daacish .

kayla

Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa xusay in ay ka murugoonayaan dhimashada gabadhan u dhalatay Dalka Mareykanka , waxa uuna ku hanjabay in ay cadaalada horkeeni doonaan kuwii dilay Kayla Mueller oo 26-sano jir aheed.

Halkan Ka Daawo.

Kooxda Daacish ayaa horey u shaacisay in ay gabadhan ku geeriyootay Duqeyn ay diyaaradaha Dalka Urdun ka fuliyeen Magaalo ay gacanta ku hayaan , Dowlada Mareykanka ayaana sheegtay in aysan wax cadeyn ah u heyn warkaasi daacish kasoo baxay ee la xariita in Kayla ay duqeyn ku dhimatay.

Idale News Online, Washintong.