Daawo:Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka Masar kula kulmay Amiiro iyo Hogaamiyaal Carbeed

0
230

Qahira(INO)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya shir madaxeedka waddammada Jaamacadda Carabta ayaa kulammo muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Carabta.

Madaxda uu Madaxweynuhu la kulmey ayaa waxaa ka mid ah Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa kulankooda kaga hadley xoojinta xiiriirka labada dal, isaga oo Madaxweynuhu dowladda Qatar uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Amiirka Qatar, Sheikh Tamim Bin Xamad Al Thaani, ayaa sheegay in dowladdiisu ay taageeereyso barnaamijyada dib u dhiska Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ku xisaabtamaan taageero shuruud la’aan ah oo uga imaneysa walaalahooda Qatar.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kale oo uu kulan la qaatey Amiirka Kuwait, Sheikh Sabaax Al-Axmad Al-Jaaber Al-Sabaax, oo ay is dhaafsadeen xog wareysi ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo doorka Kuwait ay ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu kulan muhiim ah la qaatey Boqorka Urdun, Boqor Cabdallah, oo ay ka wadahadleen arrimo la xiriira iskaashiga labada dal iyo taageero Urdun u fidineyso Soomaaliya.

Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay taageerada Urdun, iyada oo sidoo kale labada dal ay ku heshiiyeen in ay is dhaafsadaan wufuud ka shaqeyn doonta iskaashiga labada dal.

Kulammada Madaxweynuhu uu la qaatey hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka waxaa ka mid ah kulan uu la qaatey Madaxweynaha Ciraaq Fu’aad Macsuum iyo kulan gaaban oo uu la yeeshey Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulammada Madaxweynuhu uu la yeeshey madaxda kala duwan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Cabdisalaam Hadliye iyo Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Masar iyo mas’uuliyiin kale





Idale News Online, Qahira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here