Daawo:Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynaha Galmudug

0
225

Galkacyo(INO)— Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano ayaa xalay Koofurta Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay gelinkii dambe soo gaaray Gaalkacyo.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay xalinta xiisada ka taagan Gaalkacyo iyo sidii khilaafka Galmudug iyo Puntland loo xalin lahaa, iyadoo uu socdo qorshe la isugu keenayo Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa ku baaqay in colaada la soo afjaro, isla markaana si Soomaalinimo loo heshiiyo, isagoo xusay dadka wada dega Gaalkacyo ay yihiin wiil iyo abtigii, ayna is dhaleen, meelna aan lagu kala tagi karin.

Shariif Xasan ayaa sheegay in Dowlada Koofur Galbeed ay mar walba diyaar u tahay ka qeyb qaadashada xasiloonida dalka iyo sidii Soomaali la isugu keeni lahaa, waxaana uu soo dhoweeyay in Madaxweynaha Galmudug uu ka aqbalay in wixii khilaaf ee jira lagu dhameeyo wada hadal iyo is qancin.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo wafdiga la socda muhiimadda gaarka ah ee ay siinayaan daminta colaadda sokeeye ee ka taagan deegaanka, isagoo xusay Galmudug dhankooda in ka go’an tahay wax walba oo lagu soo celinayo nabadda deegaanka iyo wada noolaanshaha dadka walaalaha ah.

Ugu dambeyntii, Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa maalintii labaad ah mid degan, iyadoo ay ka soconayaan dadaalo xoog leh oo lagu dhameynayo xiisada, waxaana tan iyo xalay ka socday magaalada kulamo lagu xalinayo colaada iyo sidii labada dhinac la isugu keeni lahaa, si heshiis nabadeed oo waara qalinka loogu duugi lahaa.

sakiin iyo guled (1)sakiin iyo guled (2)Idale News Online, Galkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here