Nairobi(INO)-Danjirihii hore ee dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa maanta la kulmay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Kulankan oo ahaa mid isugu jiray mahadcelin iyo sagootin ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya Danjire Aamina Maxamed Jibriil iyo mas’uuliyiin kale oo tirsan dawladda Kenya.
Kulankani oo ka dhacay madaxtooyada Kenya ayaa danjirihii hore ee dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya waxa uu uga mahadceliyey Madaxwayne Uhuru kenyatta iyo wasaaradda Arrimaha dibada ee dalka Kenya sidii wanaagsaneyd ee ay u wada shaqayeen iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada waddan .
Madaxwyne Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa isna uga mahadnaqay Danjire Maxamed Cali Ameeriko muddadii dheereyd ee uu xilka hayay iyo sidii wanaagsaneyd ee uu uga shaqeeyey hagaajinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada waddan .
Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa dhanka kale ugu baaqay danjiraha cusub ee dhawaan dowladda Soomaaliya u magacawday dalka Kenya in uu meesheeda ka sii wado hagaajinta xiriirka siyaasadeed ee ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya.
Idale News Online, Nairobi