Nairobi(INO)— Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta booqday dhaawacyada qaar ka mid ah askarta Ciidamada Kenya ee ku dhaawacmay weerarkii Axadii Al-Shabaab ku qaadeen xero milateri ku taal deegaanka Lamu ee Gobolka Xeebta.
Madaxweyne Kenyatta oo ay wehliyeen saraakiisha Ciidamada ayaa Isbitaalka Ciidamada ee magaalada Nairobi booqasho ugu tagay qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay weerarkaas, waxaana uu u rajeeyay inay si deg deg ah u bogsadaan.
Weerarkii Axadii Al-Shabaab ku qaadeen xero milateri ku yaal Lamu ayaa waxaa looga dilay illaa 11 ruux oo uu ku jiray muwaadin British ah, waxaana saraakiisha Kenya ay sheegeen inay ku howlan yihiin baaritaanka meydadka qaarkood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Kenya.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan Kenya cabsi gelin doonin weerarada uga imaanaya Shabaab, waxaana uu ku hanjabay inay dagaal adag oo rogaal celin ah la geli doonaan.
Waxaa uu ugu baaqay dhamaan dadka reer Kenya inay u midoobaan una istaagaan sidii ay u jebin lahaayeen cadawga, waxaana uu xusay inay aqoonsan yihiin xuquuqda qof kasta, xoriyaddiisa iyo cibaadadiisa.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay qeyb ka tahay howl galka AMISOM, isla markaana iyagoo fulinaya codsiga Midowga Afrika ay ciidamo xasiliya u direen Soomaaliya, waxaana uu xusay inay sii joogayaan ciidankiisa.
Ugu dambeyn waxaa uu u mahad celiyay Ciidamada ammaanka Kenya ee ka qeyb qaadanaya difaaca malaayiinta ruux ee dadkooda, isla markaana naftooda khatar u gelinaya, taasoo uu xusay inay ku amaanan yihiin.