Daawo:Koonfur Galbeed Oo Soo Afjartay Doorashada Aqalka Hoose

0
181

Baydhabo(INO)- Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa   soo Af-jaray doorashada xubnaha Aqalka Hoose, iyadoo 69-kii Xubnood ee laga doonayay maamulkaan la wada doortay.

Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Cusub ee Somalia oo Xaley lagu qabtay Baydhabo, isla markaana ahayd middii u dambeysay, ayaa lagu so doortay labadii xildhibaan ee harsanaa.

Kursiga Kowaad

  • Xuseen Maxamud Sheekh oo 50 cod
  •  Cali Maxamed oo helay 0. cod

Kursiga Labaad

  • Xasan Macalin Xusein oo helay 40 cod
  •  Xasan Xaji Ibrahim cod

Ugu dambeyn, Labadaan Kursi ee Maanta lagu Tartamay ayaa Dhameystiray 69-kii Kursi ee laga doonayay in Koonfur Galbeed Soomaaliya ay kasoo baxaan, iyadoo Koonfur-galbeed ay noqonayso maamulkii labaad oo soo Dhammeystira Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federalka Ee Soomaaliya.

doorash-1