Daawo:Hey’addaha Ammaanka Oo Ka Warbixiyay Weerarkii Saaka iyo Al-Shabaab Oo Sheegtay

0
258

Muqdisho(INO)— Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa ka warbixiyay weerar saaka ragg hubeysan ku qaadeen Dugsigii hoose dhexe ee Shibis, halkaasoo aheyd xero lagu tababaro Ciidamada Nabadsugida, iyadoo weerarka dableyda ku qaadeen halkaas uu ku bilowday qarax xoogan.

Meydadka labo ruux oo dharka milateriga ahaa ayay Ciidamada ammaanka u soo bandhigeen saxaafada, waxaana halka weerarka ka dhacay ka muuqday bur burka gaadiidkii fuliyay qaraxa, gidaarka guriga oo dhinac ka duleelmay, waxaana saraakiisha shegeen in dableyda weerarka soo qaaday ay galeen meel aan aheyn halkii ay rabeen oo ah guri dad rayid ah degan yihiin.

Weerarka oo bilowday 6-dii subaxnimo ayaa Afhayeen u hadlay Wasaaradda Amniga oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf uu sheegay in Ciidamada Nabadsugida ka hortageen weerarkaas, ayna rasaas ku fureen ciidamada gaari nuuciisu ahaa NOHA oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada ay toogteen labo nin oo ahaa kuwii weerarka geystay,waxaana tirada ragga weerarka soo qaaday lagu sheegay saddex ruux oo mid uu ahaa midkii gaariga qarxay waday.

Guddoomiyaha degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay weerarkaas fashiliyeen, iyadoo dableydii hubeysneyd aanay gaarin hadafkoodii sida uu yiri.

Halka weerarka lagu qaaday waxaa ku dhow Maxfalka degmada Shibis oo ah meel caan ah oo lagu qaban jiray siyaaradaha.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, ayna ku dishay askar ka tirsan ciidamada, isla markaana dagaalyahanadooda ay ka dhex dagaalamayeen xarunta ay weerareen.

Dugsigii Shibis ayaa waxaa uu xarun u yahay ciidamo ka tirsan nabadsugida, waxaana halkaas dhowaan lagu tababaray Ciidamo loo bixiyay Onkod oo Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugid sheegtay inay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka.

qarax (1)qarax (2)qarax (3)qarax (4)qarax (5)qarax (6)qarax (7)Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here