Daawo:Hay’ada Moorogaabey Oo Agoonta iyo Dadka Miyirka La ay Goodoonsiisey Dhaqaale Lacageed

0
359

Baydhabo(INO)-Hay’ada Fadhigeeda uu yahay Dalka Ingriiska ee layiraahdo Moorigaabey ayaa waxay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay  ku qaybisey Dhaqaalo mid lacageed ah , iyadoo loo qaybiyey Agoonta iyo dadka Miyirka la’ ee kusugan Magaalada Baydhabo, waxayna soo wakiisheen oo si wanaagsan ugu qaybiyey Prof. Idriss Cabdi Taqtar .

Hay’ada Moorogaabey ayaa horey waxay dhowr jeer ugu qayb qaadatey taakuleyn dad Macaluusha halleshey ee gobalaka Bay , sanadkii 2011. Degmada  Baydhabo ayaa waxa ku nool agoon Badan oo aan haysan wax gar gaar ah .
Waxgaradka Magaalada ayaa Maanta soo dhaweeyey Howsha ay Fulisey Hayada Moorigaabey , waxaana ka hadley Siyaasiga weyn ee Maxamed Aadan Qalinle iyo Aqoonyahanada Gobalka Baay, waxayna hayada ka codsadeen inay sii wado Taakuleynta Agoonta iyo dadka Miyirka la’, Caruurta Agoonta ayaa Midkiiba lasiiyey Shan Boqal oo kun  iyadoo ay agoon tiro badan ay joogeen Goobta Lacagta ay ku Bixineysey Hayada Moorigaabey ee fadhigeeda uu yahay Wadanka Ingriiska.
Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here