Muqdishu (INO) Dhamaan Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxtinimada Somalia ee sanadkaan 2016 iyo Madaxda Xisbiyada mucaaradaka iyo Maamulka Puntland ayaa go’aan mid ah ka qaatey qoraal ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaliya Maxamed Cismaan Jawaari, waxayna ku tilmaameen siyaasiyiintaasi in Gudoomiyuhu si toos ah ugu milmey siyaasada kooxda Damjadiid isla markaasna si toos ah uga qeyb noqdey dadka caadeystey in had iyo goor jebiyaan sharcigii dalka & Heshiisyaddii hore loo gaarey.
Siyaasiyiintaan oo shir jaraa’id ku qabtey Muqdisho ayaa sheegay in wax aan la aqbali karin ay tahay in maslaxad qof kali ah oo xildhibaanimo raadinaaya loo burburiyo masiirkii dalka oo dhan, taasoo waliba ka soo fusha Madaxii ugu sareeyey ee hay’adii sharci dajinta dalka oo ah Maxamed Cismaan Jawaari.
Dhageyso Maxamed Nuur Tarxan:
Dhageyso C/raxmaan Cabdishakur
Dhageyso: Gudoomiyaha Xisbiga Daljir, Xildhibaan Xasan Macalin
Fadeexadaan hareysay Jawaari ayaa waxaa diido kala hor yimid maamulka Puntland, musharaxiinta siyaasada dalka iyo Xisbiyada Mucaaradka, lama oga go’aanka madaxda madasha qaran ka qaadan doonaan odey dhaqameedka lagu soo kordhiyey intii hore loogu heshiiyey ee 135ta ahaa.
Idale News Online