Daawo Sawiro+Dhageyso:Masuulin Ka Socota Gobolka Nugaal Iyo Gobolka Bay Oo Kulan Ku Yeeshey Magalada Baydhabo

0
813

Baydhabo(INO)- Kulankan maanta ay yeesheen godoomiyaasha maamulada gobolada Bay iyo nugaal ayaa waxaa qeyb ka ahaa odiyaasha dhaqanka iyo qeybo ka mid ah uruka dhalinyarada.

Gudoomiyaha gobolka Bay cabdirashiid Cabdulahi Maxamed iyo gudoomiyaha gobolka nugaal ayaa isla soo hadal qaadey wada shaqeyn dhexmarta maamulada labada gobol.

Cabdirashiid Cabdulahi Maxamed gudoomiyaha gobolka Bay ayaa dhigiisa nugaal cumar cabdulahi faraweyne ka codsadey in uu wax ka qabto dhibaatada lagu haayo shacabka reer koofur galbeed ee puntland ganacsiga ku heysta.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal cumar Cabdulahi Maxamed faraweyne ayaa balan qaadey in uu la shaqeyn doono ganacsatada reer koonfur galbeed isla markaana si hoose loo dhameyn doono dhibaatadii loo geystey shacabkii reer koonfur galbeed ee halkaasi ku sugnaaa.

waa markii ugu horeysey oo ay kulmaan gudoomiyaasha gobolada Bay iyo nugaal kulankan ayaa la rajeyneyaa inuu wax ka bedelo qeylo dhaanta inta badan ka soo yeerta Puntland taa oo ku aadan dhibaato loo geysto shacabka reer koofur galbeed ee halkaaasi ganacsiga ku heysta.

Halkan Ka Dhageyso

DSC_0209DSC_0165DSC_0164DSC_0157DSC_0156

W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed Ateera