Daawo:Booliska Soomaaliya Iyo AMISOM Oo Howl gallo Wada Jir Ka Sameeya Wadooyinka Muqdisho

0
254

Muqdisho(INO)— Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Booliska AMISOM ayaa bilaabay howl gallo wada jir ah oo amniga lagu sugayo, kaasoo ay ka wadaan Wadooyinka Muqdisho.

Ciidamada wada jirka ah ayaa horay howl gallo roondeyn ah ka sameyn jiray xilliyada habeen degmooyinka Muqdisho, hase ahaatee tan iyo markii ay dhalatay bishan Ramadaan howl gallo maalin ah ka sameeyaan wadooyinka.

Sawirro la soo geliyay barta Twitter-ka ee AMISOM ayaa muujinayay sida ay Ciidamada uga howl galaan wadooyinka Caasimadda, isla markaana isugu jira ragg iyo dumar.

Wadooyinka muhiim ah iyo isgoysyada ayaa lagu arkaa ciidamada oo wadada taagan, isla markaana feejigan, waxaana ay la howl galaan ciidamada booliska Soomaaliya.

Isgoyska KM4 ayaa ka mid ah meelaha ciidamada ka sameeyaan howl galada amniga lagu sugayo, iyagoo baaraya gawaarida gaarka loo leeyahay.

Howl galka Ciidamada Milateriga AMISOM waxaa qeyb ka ah Ciidamo Boolis ah oo ka socda AMISOM, waxaana boqolaal askari oo Boolis AMISOM ah ka kala socdaan dalalka Nigeria iyo Uganda.

amisom boolis (1)amisom boolis (2)amisom boolis (3)amisom boolis (4)amisom boolis (5)amisom boolis (6)amisom boolis (7)amisom boolis (8)

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here