Daawo:Askar Ku Dhaawacantay Weerarkii Ismaadiiminta Ahaa Oo Loo Duuliyay Isutugga Imaaraadka Carabta

0
232

Muqdisho(INO)— Askar ku dhaawacantay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday shalay kolonyo ciidamo oo gelbinaysay mas’uuliyin iyo shaqaale ka socday UAE ayaa loo duuliyay wadanka isutagga Imaaraadka Carabta si loogu soo daweeyo.

Askartan ayaa waxa ay ku dhaawacmeen qarax lagula eegtay shalay qarax lagula beegsaday degmada Hodan ee gobolka Banaadir

Danjiraha dowladda Isutagga imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alxumaaddi oo hadlay shalay qaraxa kadib ayaa sheegay in dowladdiisu ay qaadeyso dhaawacyada culus si loogu soo daweeyo Isbitaallada dalkiisa.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horey u qaadday dhaawacyada muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku waxyeeloobay qaraxyo kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

askar dubai (1)askar dubai (2)askar dubai (3)askar dubai (4)askar dubai (5)askar dubai (6)Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here