Daawo:Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa Qaraxyadii lagu weeraray masaajidyo kuyaala Yemen

0
340

SANCA(SHL-NEWS)-Weeraro loo adeegsaday dadka Is qarxiyey ayaa lagu qaaday labo masjid oo kuyaala magaalada Sanca ee dalka Yemen, waxaana ilaa hada la xaqiijiyey dhimashada in ka badan 130 qof, sida ay tabisay Warbaahinta Yemen.

Qaraxyadan ayaa lagu qaaday Masaajidyo ay leeyihiin kooxaha Shiicada, waxaana lagu jiray xiligii ay dhaceen Salaadii Jimcaha, taas oo ahayd xiligii ugu dadka badnaa masaajidyadan la qarxiyey, waxaana jira dhaawacyo xoog leh oo ka jira gudaha masaajidyada.

Raga weerarka geystay ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxda ISIS oo dagaal adag kula jirta kooxda Shiicada ee la wareegtay awooda magaalada Sanca ee dalka Yemen.

ISIS ayaaba qiratay in ay ragaas ayaga ka tirsan yihiin, isla markaasna ay sii wadi doonaan dagaalada ay kala soo horjeedaan kooxdan Shiicada ah.

Idale News Online, Yemen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here