Daawo: Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo si kulul uga hadlay howlgalada ciidamada Kenya ee Xaafada Islii

0
193

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa khudbad ay aad ugu riyaaqeen Soomaalida qaxootiga & Soomaalida u dhalatey dalka Kenya u jeediyey dadweyne aad ugu careysan dhibaatadii ciidamada Kenya ay u geysteen dadkii Soomaaliyeed, waxuu fariin u diray dowlada Kenya iyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Islii.


Dowlada Kenya ayuu sheegay in aan looga hari dooni waxyeelaynta dadka Soomaaliyeed, ayna leeyihiin xaqa dadka kale ee ka soo jeeda Kenya ay leeyihiin. halka dhanka kale Soomaalidana u sheegay in ay si wadajir ah isaga kaashadaaan dadka ku soo dhex dhuumanaaaya ee waxyeeleynaaya noloshooda iyo ganacsigooda.. Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa yiri “Wiilaha Soomaaliyeed ee dhibaatada ka wada gudaha Islii isla markaasna sharaf dilay diinta Islaamka, qaraxyada la jooga Isliii ha tagee meelaha kale ee dalka Kenya”.

Xildhibaannada Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya ayaa shalay oo la kulmay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, iyadoo kulankaas looga hadlay sidii looga hortegi lahaa kuwa dhibaatooyinka ka dhex-geysanaya Soomaaliya.

Mudanayaasha kulankan xaadiray ayaa waxay ahaayeen 31-xildhibaan sida uu sheegay mid ka mid ah mudanayaasha, iyadoo uu noqonayo kulankan kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca Nairobi.

Aadan Barre Ducaale oo hoggaaminayay xildhibaannada la kulmay Soomaalida Islii ayaa ku gooddiyay in haddii ay Soomaali yihiin ay taageerada kala noqonayaan xisbiga talada dalkaas haya, haddii aan la joojin dhibaatooyinka lagu hayo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan u taagannahay danaha dadkeenna. Mana jirto cid ay taasi shaki uga jirto,” ayuu yiri xildhibaan Aadan Barre oo intaas ku daray, in booliiska dalka Kenya ay inta badan bartilmaameed ka dhigtaan muslimiinta isagoo yiri: “Innaga waxaa ina doortay doortay muslimiinta, waana difaacaynaa danahooda.”

Xildhibaanka oo hadalladiisu ay u ekaayeen kuwo ay caro ka buuxdo ayaa intaas ku daray: “Innagu marba ma ogolaanayno in shacabka Soomaaliyeed dadka si gooni ah loo faruuqo.”

Sidoo kale, xildhibaan Bilow Keeroow oo laga soo doorto magaalada Mandheera oo isna goobta ka hadlay ayaa xukuumadda Kenya ku eedeeyay in habka ay dagaalka ula galayso argagaxisada uu yahay mid dhallinyarada ku dhiirigelinaya inay ka mid noqdaan kooxahaas.

“Arrintu ma ahan Muslim inay dhibka wadaan, balse sida ay dowladda u dhaqmayso ayaaba ah fal argagaxiso. Sheekh Makaburi waxaa lagu calaamadeeyay inuu ka mid yahay argagaxisada, muddo yar kaddibna waa la dilay, xukuumadduna waxay tiri ma garanayno cidda falkaas geysatay,” ayuu yiri xildhibaan Keerow.

Xidhibaanadu waxay ku eedeeyeen saraakiisha booliiska Pangani inay haweenka kufsadaan iyo inay dadka lacago ka qaataan si ay u sii daayaan, iyadoo xildhibaan Aadan Barre uu intii uu kulanku socday soo saaray warqad dad Soomaaliyeed looga qaaday 5,000 oo lacagta Kenya ah si loo sii daayo.

“Warqaddan waxaan u geynayaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, si aan u tuso in saraakiisha booliiska Pangani ay sharafta Kenya ku dheeleen dhacna u geystaan shacabka Soomaaliyeed ee Islii ku nool,” ayuu yiri xildhibaan Ducaale.

Mudanaha ayaa intaas ku daray in madaxweynaha ay weydiisan doonaan in taliye looga dhigo saldhigga booliiska Pangani nin Muslim ah oo qofkii dambi leh dambiga ku qadaya, kii aan lahaynna aan dhibaateynayn.

Guddoomiyaha Nairobi, Njoroge Ndirangu ayaa dhankiisa sheegay in howgalladu ay sii socon doonaan, isagoo yiri: “Innagu ma beegsanayno Islii oo keliya. Howlgalkan waa mid ka socda Nairobi oo dhan, lana billaabay bishii Feberaayo ee sannadkan.”

Ugu dambeyn, wararka ka imaanaya saakay xaafadda Islii ayaa sheegaya in wixii ka dambeeyay 10:00 habeenimo ee xalay aysan jirin ciidammo booliis ah oo lagu arkay gudaha xaafaddaas oo ay Soomaalidu aad u daggan yihiin.

Flag_of_Kenya.svg

Idale News Online, Nairobi.