Dhadhab(INO)- Qaxootiga Soomaaliya ayaa waxay Meelo kala duwan kusugan yihiin Dalka Kenya gaar ahaan Xeryaha Dhadhaab taasi oo mararka qaarkood dhibaato ka dhacdo.
Dab Xoogan ayaa la sheegay in uu ka kacay Xerada Xagar Dheer kaaso bur buriyey Goobo Shacabku degganaayeen qaarna ahaa Meelo lagu Ganacsanayey.
Qaarkood Dadka waxay sheegeen in dabka uu ka dhashay Burjiko la dhigay Goobtaasi balse waxay keentay saacad ku dhaw lagu mashquulay daminta Dabkaasi.
Ma ahan Markii ugu horeysay oo Dab Khasaaro Kala duwan Geysatay uu ka kaco Xeryaha Dhadhaab Kenya oo Nus Milyan Qaxooti Soomali Ubadan ay kusugan yihiin.