Baydhabo(INO)-Waxaa maanta magaalada Baydhabo Janaay ee xarunta gobolka Bay ku kulmay wasiirada Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya iyo xubno ka socday xafiiska Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya (UNSOM),kuwaasi oo ka wada hadlay sidii xafiiska UNSOM uu u taageeri lahaa maamulka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Dowlada Koonfur Galbeed, Soomaaliya, Xasan Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay.
Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur galbered Soomaaliya ayaa wuxuu tilmaamay in xafiiska UNSOM uu ballan qaaday inuu gacan ka geysanayo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan ee ku nool deegaannada maamulka.
Halkan Ka Daawo Video.
Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray Xasan Cabdi Maxamed in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dhawaan booqan doonaan deegaano ka tirsan maamulka si ay ugu kuur galaan xaalada nololeed iyo mid amnida ee dadka ay ku sugan yihiin.