Wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle gaar ahaan gobolka Shabeelaha Hoose degmadiisa Afgooye ayaa waxa uu jawaab youtube u soo mariyey Nabadoonka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye oo waqti soo horeysey sheegay in Gonolka Shabeelaha Hoose yahay gobol dadka degan boqolkiiba 80% yihiin beelaha Hawiye. Wiilkaa Dhalinyarada ah ayaa sheegay in ku howlan yahay barashada culuunta siyaasada iyo taariikhda taasoo uu sheegay in ay ku kaliftay daruufaha maanta ka taagan dunida gaar ahaan gobolka geeska Afrika iyo Soomaaliya.
Halkaan Hoose ka daawo fariinta jawaab celinta ah oo uu iskiis u go;aansadey inuu Nabadoon Axmed Diiriye u soo mariyo warbaabinta isla markaasna ku dhiirageliyo dhalinta soo koreysa ee ka soo geeda gobolada Koonfur galbeed in ay difaacdaan dhulkooda isla markaasna u dagaalamaan hergelinta federaalka oo dad badan loo dilay sida Ustaad Axmed, Abdalla Deeroow, C/qaadir Zoobe, Halyeey Sakaawadiin iyo kuwa kale oo aad u badan
Idale News Online