Daawo: Waxgaradka Beesha Geelidle Ee Jubooyinka Oo Weerarey Siyaasada Maamulka Jubba

0
308

Baydhabo(INO)-Waxaa  Maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, Shir ku yeeshey  waxgaradka  iyo Siyaasiyiinta Beesha Geelidle ee  Gobolada Jubooyinka, iyagoona dhaliiley Hanaanka Loo xuley baarlamanka jubba iyo weliba  Saamigii Beeshaasi  oo  ay sheegeen in la duudsadey.

Waxgaradkii  Maanta halkaasi ka hadley  ayaa waxa ka mid aha, Malaaq Ibrahiim Leysaamow isagoona sheegey in maamulka jubba uu yahay  Maamull ku dhisan Dulmi iyo daan daansi bareer ah  isla markaana waxa uu carabka ku adkeeyey in aysan beesha Geelidle Marnaba Yeeleynin In laga qadiyo Xildhilbaanadda jubba

Degmooyinka, Saakow, Bu’aale dadkii Asalka u ahaa Ayaan nahay dad hada ka soo hiyaamey Itoobiya iyo Kenya ayaa Boob  ka wadaa Degaanadaasi, Degmadda Buur dhuubo ee Gedo waxaa Laga Xumi jrey Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay “ayuu yiri Malaaq Ibraahim Leysaamow

Dhul dadkiisa ayaa iska leh, Axmed madoobe iyo Qoladiisa wax ay sameeyn karaan majiraan, waan diidney, mana yeeleyno in Maalin cad xoog dhulkeeyaga iyo masiirkeena la Qaato” ayey tirey Gabadh halkaasi ka hadashay.

Sidoo kale Malaaq Ibraahim leysaamow  iyo wax garadkii maanta Ka hadley shirkaasi ayaa waxay Maamulka Jubba  ugu baaqeen inay joojiyaan Dulmiga bareerka ah ee uu maamulkaasi ka wada Gobolada Jubooyinka isla markaana ay ilaaliyaan Heshiiskii maamulka Jubba iyo  dowladda Koonfur Galbeed Sooomaaliya ay wada gaareen.

Ugu dambeyntii, Beelo Badan oo ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle ee Gobolada Jubooyinka ayaa laga qadiyey saamigii ay kula haayeen, maamulkaasi, isla markaana waxa  loogu bedeley,  hanjabaad iyo caga jugleyn joogto ah.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here