Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamulka uu madaxweynaha ka yahay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Soocade ayaa sheegay inuusan aqoonseyn wax sharci ama dastuur iyo xeer saxaafadeed iyo mid caalami ah toona isla markaasna uu dilaayo wariyihii lagu helaa inuu wareyso ama buunbuuniyo mucaaradka ku kacsan maamulka Puntland ee uu hogaamiyo gudoomiyihii hore ee gobolka Bari C/samad Galan.
Cod si ah oo laga duubey wasiirka warfaafinta Puntland mar uu teleefoon u diray mid ka mid ah wariyyaasha ka howlgala Puntland ayaa la yaab iyo amakaag ku abuuray bulshada Soomaaliyeed iyo tayada iyo caafimaadka qaar ka mid ah wasiirada maamulkaas.
Sidoo kale qoraal uu maanta wasiirka xafiiskiisa ka soo saarey ayuu ku yiri sidaan “waxaa dhammaan warbaahinta ka howl-gasha Puntland lala socod siinayaa cid allaale iyo ciddii baahisa muuqaal,cod,qoraal iyo sawir ka turjumaya arrimaha aan kor kusoo sheegnay ama waraysi ka qaadda shaqsiyaad ku hawllan daadinta dhiigga shacabka reer Puntland iyadoo ujeedadoodu tahay iska hor keenka dadka Puntland loona qaybiyo hab-qabiil si ay u fuliyaan danahooda gurracan ee argagaxisda, in laga qaadi doono tillaabo sharciga waafaqsan lana horgeyn doona caddaalada.”.
Idale News Online.