Baydhabo(INO)- Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Dalka Soomaaliya Eng. Salaax Sheekh Cismaan Muuse ayaa Maanta Soo Booqadey Jaamacada Jubbada Sare Ee Magaalada Baydhabo isagoona kulan la qaatey Maamulka sare isla markaana waxa soo indha indhayeeyey Fasalada, Maktabada wax lagu aqriso, Qiibta IT lab-ka iyo Qiib Shaybaarka.
Waxaa goob joog ahaa sidoo kale qaar ka mid ah macalimiinta iyo mamulka Jaamacadda iyo gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Prof. Idiriss Cabdi Takhtar oo sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadda uu Maanta u yimid Jaamacada Wasiirka howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Macnaha socdaalka uu ku tagay Jaamacadda Jubbada sare ayaa salka ku haya sidii uu ugu guur gali lahaa habka ay u shaqeeyso Jaamacada Jubbada Sare iyo sidii la isaga war qabi lahaa.
Madax waxbarashada iyo Imtixaanaadka Dr. Xasan Ismaaciil ayaa wasiirka uga war dhiibay heerarkii kala duwanaa ee ay Jaamacadda soo martay iyo hadda ay maanta taagan tahay.
Dr. Xasan Ismaciil ayaa sheegay Jaamacaddu inay bixiso 8 Kuliyadood oo qaar leh Takhasusiyo oo baahi badan ardaydu u qabeen kuwaasoo kala ah.
1. Faculty of Animal Science and Agriculture
2. Faculty of Health Science
• Department Public Health
• Department of Nursing
• Department of Medical Lab
3. Faculty of education
• Department of Biology and Chemistry
• Department of Math and physics
4. Faculty of Public administration
5. Faculty of Business administration (B.A)
6. Faculty of Islamic study
8. faculty of Computer of Science
Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa sheegay umadda hormarkeeda inay ku xiran tahay aqoonta ay lee yihiin inta ay gaarsiisan tahay wuxuu amaanay sida ay socoto Jaamacada Jubbada sare isla markaana waxa uu soo jeediyey in lagu soo kordhiyo kuliyada Siyaasada.