Muqdisho(INO)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Mudane Inj.Saalax Sheekh Cismaan Muuse ayaa maanta Aqalkiisa Ee Magaalada Muqdisho ku qaabilay Odayaasha Dhaqanka ee Degaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka ayaa kulan Gaar ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka isla markaana Waxa lagu gorfeeyay Dhibaatada Amni Doradda iyo arimaha Bini’aadanimadda ee ka taagan Degaanada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa, Gaar ahaan Dhibaatada hadda kataagan Degmada Af-gooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, taasoo horey looga diley Taliyihii nabad sugid Marxuum Liibaan Ibraahim Yuu-Yuu iyo maanta Degmadaasi Lugu diley Gudoomiyihii Hore Degmada Afgooye Col. Cabdullahi Cabdi Iideey.
Wasiirka Iyo Odayaasha KGS ayaa si adag waxay ugu hadleen dilalka qorsheysan ee ka tagan degmadda Afgooye iyo sidii go’aan looga qaadan lahaa arintaasi.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya Mudane Inj. Saalax Sheekh Cismaan Muuse oo ah shaqsi dhaqanka ku dheer isla markana kasoo jeeda Saldanadii Soo jireenka ahayd ee Galadi oo tariikh dheer ku leh Ummada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo Guud ahaan Mandhiqadda Geeka Afrika, gaar ahaana Saladanadii hogaanka u aheyd Beesha D&M iyo dadka degaan wadaaga la ah.
Ugu dambeyntii Wasaarada Hawlaha guud ee Soomaaliya ayaa Waxay ka mid tahay Wasaaradaha Soomaaliya kuwa Ugu shaqadda Badan isla markaana wasiirka ayaa waxa lagu amaaaney dardar galinta, Isku dabaridka iyo Hufnaanta Shaqadda Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Muqdisho