Baydhabo(INO)-Wasiirada Wasaaradda caafimaadka Ee DF Soomaaliya marwo Xaawo Xasan Maxamed 00 ka mid ahayd wefdigii RW kuxigeenka XFS mudane Maxamed Cumar Carte oo soo gaaray Magaalada Baydhabo Ee xarunta gobolka Bay ayaa waxa ay booqasho ku tagtay isbitaalka guud ee Degmada Baydhabo.
Wasiirada ayaa markii ay gaartay isbitaalka guud ee magaalada Baydhaba waxa ay warbixin ka
dhegaysatay agaasimaha isbitaalka Mr. C/fataax iyo weliba qaar ka mid ah holwadeenada isbitaalka.
Booqashada ay wasiirada caafimaadka xukuumada federaalka Soomaaliya ku tagtay isbitaalka
magaalada Baydhaba ayaa waxaa ku weheliyay wasiirka caafimaadka dowlad Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subug ¡yo gudoomiyaha Degmada Baydhaba Cabdullaahi Cali Watiin.
Halkan Ka Daawo:
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo