Baydhabo(INO)Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada iyo Barbaarinta Mudane Jibriil Axmed Aadan ayaa Booqdey Dugsiga Hoose Dhexe ee DR. Ayuub kaa oo ay ka socotey Dhismooyin Hormarineed kuwaasi gabo gabo marayey.
Wasiirka wuxuu mid mid u galey fasalda iskuulka wuxuu lakulmey maamulka iskuul iyo macalimiinta kadib wuxuu u mahad celiyey dhamaan shaqaalaha iskuulka sey uga dhabar adeegayaan wax barida ardada danyarta ah si lacag la’aan ah wuxuu kaloo u mahad celiyey wasiir ku xigeenka Hay’adda NRC oo suuro gelisey dhismahan hada gaba gabada maraya wuxuu kaloo baaq udirey hay,adaha kale iyo jaaliyadaha KG in ay soo daageeraan hormarinta waxbarashada ka socota KG ugu danbeyn.
wasiirka ayaa ballan qaadey in ay ku howlantahay wasaarada mudo dhow gudaheeda in isbedel muuqdo laga dareemi doono waxbarashada KG Somalia.
Halkan Ka Daawo.
Mustafe Garabey, Idale News Online, Baydhabo