Waxa uu sheegay wariyahan in magaalada kismaayo habeenkasta ay soo weeraran kooxda Al-Shabaab waxaase uu sheegay inay arrintaasi ka hor tagaan oo walib adib u celiyaan ciidanka AMISOM ee magaalada ku sugan.
Waxa uu warbixintiisa maanta kusoo bandhigay Kismaayo oo habeenimo ay u gashay kadibna toos loo arkayo xabada ay is dhaafsanayaan Al-Shabaab iyo ciidanka Amisom ee jooga Kismaayo , taasi oo ka dhigeysa in ammaanka magaaladaasi uusan aheyn mid fadhiya.
Dhinaca kale wariyahan ayaa waxaa uu warbixintiisa kusoo qaatay xaalada caafimaad ee magaalada kismaayo, isagoona booqday isbitaalka guud ee Kismaayo. Waxaana halkaasi uu kula kulmay dhaqtarka guud ee isbitaalkaasi kaasi oo sheegay inay baahi dhinaca caafimaadka ah inay jirto.
Waxaana uu dhaqtarkan uu sheegay in xilliyada ay dagaalada ama qaraxyada dhacaan ay dhibaato kala kulmaan bukaanka laftooda oo midkasta uu rabo in isaga la hormariyo, haddii aad mid daawee is dhahdaha buu yiri kan kale uu qalad kuu fahmayo.
Idale News Online