Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar(Yariisow) oo wareysi siiyey Somali Channel ayaa su’aali kulul oo la waydiiyey uu ku dadaaley inuu jawaab aan dadka Soomaaliyeed qancin sheegay isagoo mar la weydiiyey masuqmaasuqii dowlada lagu eedeeyey ku tilmaamey waa been welina ku darey in Madaxweyne Xasan Sheekh uu labo shirkadood siiyey laaluush ama dhaqaale uusan sheegin cadadkooda si ay u beeneeyaan reportkii ay soo saareen hay’ada Qaramada Midoobey u xilsaarey arrimaha dabagalka dhaqaalaha dalka “UN Monitoring Group”.
Sidoo kale mar Wax laga waydiiyey Hadaldii kasoo yeerey Xildhibaan Cali Khaliif ee ahaa in Xildhibaano boqol gaaraya loo diidey iney isu yimaadaan, wuxuu Yariisow ku jawaabay “Ninkaas been buu sheegey cid loo diidey ma jirto iney shiraan.”
Waxaa xusid mudan bilowgii bishaan markii Jidgooyada loo dhigey Madaxweyne Xasan Sheikh oo Magaalada Marka kusii socda in uu Ing. Yariisow isku dayay inuu in kiro weerarkaas isagoo been Qayaxan u sheegey saxaafada gaar ahaan BBC iyo VOA, Wuxuuna si cad u inkirey weerarkaas oo uu sheegey inuusan dhicin, Saacad ka dib Taliyaha Ciidanka ayaa cadeeyey in Madaxweynaha Kolonyadii la Socotey jid gooyo lagu sameeyey.
Bal Caawa nala dhageysta wareysigaan iyo jawaabaha uu bixinayo Afhayeenku
Idale News ONline