Daawo: Warakii Ugu dambeeyey Qarax xoogan oo ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama iyo gaarigii oo gubtay

0
175
Muqdisho(INO)-Maanta ayaa waxaa Wadada Mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ka dhacay qarax gaari lagu soo xiray kaas oo sababay in laga kala cararo wadada, waxaan na halmar firaaqo noqoday wadadii ciriiriga ahayd.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga uu qarxay xili uu marayay nawaaxiga Saldhiga Degmada Waaberi, gaar ahaan ka soo horjeedka Hotelka Wardheere oo aanan sidaasi uga fogeyn Saldhiga Degmada Waaberi, qaraxa kadib ayaa gaariga waxaa qabsaday dab xoogan oo gabi ahaan gaarigii baa’biyay.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ay jiraan qasaaro qaraxaasi ka dhashay, inkasoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta ay la egtahay qasaarahaasi, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay u gurmaday ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad Sugida Soomaaliya.
Taliyaha qeybta Guud ee booliiska Gobola Banaadir ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay gaari uu lasocday Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xuseen Jaamici, waxa uuna sheegay Taliyaha in ganacsadaha uu qaraxaasi ka bad baaday.