Hargeysa(INO) — Isbahaysga xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland ayaa maanta sheegay in xukuumaddu ka baxday heshiishkii ay ka gaadheen xilliga la qabanayo doorashooyinka, isla markaana 27 july ee sanadkan ay talo qaran iskugu iman doonaan si looga arrinsaddo sidii doorasho dalka uga dhici lahayd.
Labadda xisbi mucaarad WADANI & UCID iyo Madasha wadatashiga ayaa warbaahinta la hadlay, waxaanay sheegeen inay ka tashan doonaan sidii doorasho dalka uga dhici lahayd, isla markaana aanay aqbali doonin 27 july,2015 marka la gaadho inay taladda sii hayso xukuumadan.
Gudoomiyeyaasha xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha xisbiga WADANI C/raxmaan C/laahi Cirro ayaa si adag u dhaliilay xukuumadda, isla markaana sheegay inay ka baxsaday xukuumaddu heshiishkii ay ka gaadheen muddo kordhinta iyo wakhtiga doorashaddu dhici lahayd.
Halkan Ka Daawo
“Shacabka Somaliland waxaanu sheegaynaa haddii aanu nahay asxaabtii iyo madashii go’aankii lagu heshiiyey ee aduunka oo dhan qaateen ee lagu kala saxeexday waxa ka baxday xukuumadda, wixii dalkeena ka dhacana waxa masuuliyadeedda qaadi doona madaxweynaha, anagu awood qarsoon ma hayso, awooddii qarankana waxa gacanta ku haya madaxweynaha cid kalena uma taalo in wax laga waydiiyo taladda qarankan”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga UCID oo ka hadlayey heshiishkii muddo kordhinta oo uu sheegay in laga baxay.
Guddoomiyaha WADANI C/raxmaan Cirro ayaa isna sheegay in tallo qaran la iskugu iman doonno 27 july,2015 wixii ka dambeeyey maalintaasi oo ku beegnayd wakhtigii xilka uu la wareegay.
“Waxaan noo socday wada tashi, waxaana iskugu nimid talo midaysan oo iskugu yimaadeen asxaabta iyo Madasha wadatashiga, Anagoo wax badan tixglinayna waxa halkaasi ka cadaynaynaa in aanu xukuumadu diyaar u ahayn doorasho, doorashna aanay na gaadhsiin Karin, tallo qaran ayeynu iskugu iman doonnaa, anagoo waliba tixgalinayna bisha ramadaan ee lagu jiro, anagoo shirarku noo socon doonno, wixii hadda ka dambeeya, waxaanu jecelanahay xilka madaxweynaha mudadii loo dhaariyey oo ku beegan 27 july inaanu soo wada saarno tallo qaran”ayuu yidhi Cirro oo sheegay in talo qran iskugu iman doonaan asxaabta mucaaradka ahi marka la gaadho 27 july.
Sidoo kale, musharaxa xisbiga UCID ee madaxweynenimadda Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumadda ku dhalilay sicir bararka dalka ka taagan in aanay waxba ka qaban, isla markaan wax waliba qaali garoobeen.
“Sicir-bararku meel xun bay maraysa oo xabada xab xabka ah ayaa konton kun oo shilling maraysa waxaana sabab u ah siyaasada foosha xun ee xukuumadda”ayuu yidhi Jamaal.
Si kastaba ha ahaatee, xisbiyadda mucaaradka ayaa u muuqda kuwo dib u gurtay, iyagoo wakhtigii hore ku doodi jiray 26 june, 2015 oo ku beegan shantiii sanno ee madaxweynaha la doortay inaanay aqbali doonin wixii ka dambeeya ayaa dib ugu riixay 27 julay oo ah markii xilka loo dhaariyey madaxweynaha inay aqbali doonin wixii ka dambeeya.
Dib u gurashadan xisbiyada mucaaradka ayaa dadka qaar ku dhaliilayaan in aanay mucaaradnimadoodu dhisnayn, isla markaana labadda xisbi mucaarad isku waafaqsanayn inay awood midaysan kaga hor yimaadan xukuumadda.
Idale News Online, Hargeysa