Baydhabo(INO)-Ms. Lydia Wanyota oo iyadu ah ku -xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Waxay booqatay Ms Wanyota isbitaalka guud ee magaalada halkaasi oo la sheegay in ay kulamo kula qaadatay wasiiro ka tirsan Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya.
Wanyota iyo mas’uuliyiinti ay kula kulantay degmada ayaa la sheegayin ay ka wada hadleen , qaabka AU , ay uga caawin lahayd maamulka Koonfur galbeed dhinacyada caafimaadka iyo horumarinta degaanada maamulka hoos taga.
Marki uu dhamaaday kulanki dhexmaray ku xigeenadda iyo Dowlada Koonfur galbeed waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka caafimaadka ee maamulka Koonfur galbeed Isaaq Cali Subag isagoona sheegay in kulanka ay la qaateen ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, uu ahaa kulan ay soo dhaweynayaan aadna ugu faraxsan yihiin, waxana uu sheegay inay ka wada hadleen horumarinta adeegyada caafimaad ee deegaanka, isagoo sheegay inay soo dhoweynayaan booqashada Lydia ay ku timid Baydhabo.
Wuxuu ka mahadceliyay dadaallada ay waddo ee wax looga qabanayo baahiyaha caafimaad ee gobolka ka jira.
Ugu dambeyntii dhankeeda Ms Lydia ayaa ka mahadcelisay soo dhoweynta loogu sameeyay magaalada Baydhabo, iyadoona sheegtay in ay ka qeyb qaadan doonaan AU sidii gobolka uu u noqon lahaa mid horumara.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
Wariye Cabdi Nuur Mayow Cali Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.