Wareysigan oo ah mid aad u naxdin badan oo uu bixiyey Ismaciil Macalin( Ismaaciil Polio Polio) isla markaana ka qabsatey inta u dhaxeyso degaanada Idaale iyo Guuf-gaduud manaas Ee Gobolka Bay, sanadki 2008.
Ismaacil Polio ayaa sheegay xilligaasi inuu u shaqaynayay Hay’ada Caafimaadka aduunka Ee WHO. Isla markanaa dhalan yaro ka tirsan xoogaga Al-shabab ee soomaaliya ka dagaalama ay ku dhufteen sagaal xabood, hase ahaatee welina aan dhiman.
Sido kale ismacil polio waxa uu wareysigan ku sheegay inay ku Eedayeen Alshabab inu yahay qof Jaajuus ah oo u shaqeeyo qaramada Midoobey, balse waxa uu sheegay In aanay wax siyaasad ah ku lug lahayn maadaama uu ku howlan yahay oo kaliye ama u qaabilsan yahay WHO TaLlaalka cudaradda dabeesha iyo Jadiicada.
Wareysigan oo ah mid uu ku abuurayo qofkii dhagaysto argagax iyo cabsi ku dheexan murugo , ayaa waxa uu sido kale uu sheegay in si dirqi ahi ku soo baxsaday isago xidhan Buumo isla markaana jirkiisuna ku yaalo sagaal xabood.
Asigoo hadalkiisu siiwato dhibane Ismacii Polio, ayaa sheegay inuu lugeeyay mudo 8 saacadood ah, dhib iyo daalna ka muuqato,uu la kulmay reer degan meel ka fog meeshii uu dhacdan ka qabsatey laakin ay ogyihiin dadkaasi dhacdaas , isla markaana aaney waxba u qaban karin, maxa yeelay dhoor Jeer ayuu sheegay in degaankaasi lagu bireeyey dad ku safraayay.
Sikasta ahaate, waxa uu soo gaarey Tuulada Buulo Barko, halkaas, uu ka helay daawo iyo caawina, idaacadaha iyo BBC-da afka soomaaliga Ayaa baahiyey uu yiri inaan dhintay, ehaladaydna siyaasa ayay Aamineen.
Ismaacil Polio ayaa xusay inu lahadlay markuu yimi buulo Barako oo qiyaasti 50km, galbeed ka xigto, Magaalada Baydhabo Janaay qaar ka tirsan Qaraabadisa, Taliyaha ciidamada booliska ee degmada Baydhabo iyo xildhibaan Afaraale, waxaana la ii sheegay buu yiri in aan is dagjiyo,isla markaan aana wax dhib ah la iigeysaneynin.
Ugu dambeynti, waxa la keentay ayuu yiri Degmada Diinsoor, halkaas oo Diyaarad ay leedahay WHO igu siiqaaday geysna NAIROBI HOSPITAL.
Markii soo bogsadey waxaan imi buur yiri degmada waajid ee Gobolka Bakool, waan sii watay shaqadayda, waa uu sii dhaafay mudo ka dib, Marki uu gaaray Degmada Diinsoor, waxa bilaabay inuu u dacwoodo ninka ku magacaawanaa Godoomiyaha degmada, ee Alshabab xiligaasi , laakin, waxa iigu yiri buu yiri “Faata maa Faata, Cafa Allaahu Camaasalaf”. Ismaacil Polio ayaa sheegay inuu ishisu ku dhuftay ayaga dhex mushaaxayaan Magaalada Diinsoos ragi falki naxariis la’aanta ahaa ee ugaystay, hase, ahaate welina Aanay la Horkeenin cadaalada.
Isagoo hadakiisu siiwato Dhìbane ismaaciil Polio, ayaa yiri, in weli ragan ay doonayaan inay i khaarijiyaan, balse fursad la-yihiin, abaan duuliyaha alshabab macalin Jinow&rag kale ayaan ugaaska Beeshayda& Samadoon kale ku amreen inu ismacil Polio isaga baxo degmada Diinsoor mudo 24saacadood gudahood.
Ismacil ayaa isaga soo Huleelay degmadaasi, isagoo afka soo saaray dhanka xaduuda Kenya sidaas ayuu yiri ku soo Galay xarada Kaakuma, ee Dalka Kenya.
Ismaacil Polio ayaa rajo wanaasan ka muu jiray inuu mar uun ku laaban doono guud ahaan soomaaliya , Gaar ahaan degaanada uu ka soojeedo.
