Ku simaha Madaxweynaha Dalka ayaa yiri “Mudaneyaal dhammaan muwaadiniintashacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa lasoo gaaray CiiddaCarafo oo maanta la joogo, mahad oo dhan Alle ayey u sugnaatay waxaannaAlle ka baryeynaa inuu Ciidaan ciideeda nagu gaarsiiyo ciid kawanaagsan,ka nabad fiican,kana barwaaqo badan”
“hor iyo horaan waxaan jeclahay inaan Alle SW uga mahad celiyo in Ciidaniyo Ciidii hore aanay isku mid aheyn, sanadkii hore meel ayaan joognaywaxaan Alle ka barinay in Ciidaan uu Ciid taasi ka wanaagsan nooga dhigo, Al-Xamdulillah maanta waxaan joognaa Ciid ka waangsan Ciidii hore,waxaanna Alle SW ka baryeynaa Mustaqbalka soo socda nimcada uu na siiyeyinuu noo kordhiyo nabad iyo amni,bash bash iyo barwaaqo,hantideenna oo aanlasoo baxno inuu Alle noo kaso” ayuu hadalkiisa raaciyey GudoomiyahaBaarlamaanka.
“shacbiga waxaan ugu hambalyeeynayaa hadalka idinku badin maayo Hambalyoinaan u diro meel kasta oo ay joogaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeedha noqdaan kuwa Dalka jooga ama kuwa dibadda jooga waxaan leeyahay HAMBALYO,HAMBALYO,HAMBALYO Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak”.