Akhriso+ Daawo Video: Aqoonyahan Dr. Amaandhoorey oo Ka Hadleyo Taarikhda iyo Siyaasada Murugada Leh Ee KG soomaaliya, Kashafeyna Sirar badan Oo Dahsoon.

0
503

Dr. Amaandhoorey oo ka mid ah Aqoon yahnada ka soo jeedo Gobolada KG soomaliya, isla markaana ku nool qurbaha ayaa ka hadley,taariikhda guud iyo siyaasada koonfur galbeed soomaliya

Aqoonyahankan ayaa ka shafey, sirar badan sida Gumeysi dedban oo lagu haayo qowmiyada Raxaweyn Tan iyo sanadkii 1947, oo la aas aasey Xizbiyo[ HDMS] kaasoo u dhaqdhaqi jirey midnimada iyo soo dhicinta xuquuqda guud dadkaasi.

Ururkaaso la dumiyey sanadkii 1958, ka dib markii xifaaltan dhanka siyaasadeeda ah oo adaga uu la galey xisibiga SYL.

Asagoo ka soo dhexmuuqadey Barnaamijka” Rung Sheeg” ayaa Amaandhoorey soo Fufey sirar badan oo aan u muuqan shacbiga KGSoomaaliya iyo lugooyo Aan dhamaad lahayn Dadka KGsoomaaliya la haayo, mudo Qarni ku dhow, taasoo uu sabeeyey inay mas-ualiyadeedu ay lahaayen dowlahadi soo mareyey wadanka soomaaliya iyo qabaa’ilo Ku soo duuley Gobolada KGsoomaaliaya isla markaana ku gacansiinayo qaar ka mid ah madax iminka joogto baydhabo iyo meel kale , ayagoo Dano gaar ah ilaashanoyo.

Sidoo kale, Dr. Amaandhoorey, ayaa ku dhaliiley, madaxda Horboodeyso, siyaasad Guud ee KG Soomaaliya in aaney ka shaqeynahaynin danaha dadka Isl markaan,aan dareensaneyn, Gumeysa lagu haay oo dedban.

Siyaasada Iyo Isjiid jiidka u dhexeyo siyaasiyiinta Horboodaya KGSoomaaliya ayaa ku nux nuxsaday inaan ahay Mid ka tarjumeyso waaqicigan la joogo iminka iyo danaha dadka, isla markaana waxa uu soo jeediyey Talooyin , tilmaamo iyo Tusaalooyinka intuba oo haboon in la sameeyo.

Sidoo kale, Dr. Cabdilaahi Amaan dhoorey ayaa aad ugu dheeraadey halgankii dhabta ahaa oo uu sameeyey Madaxweynihii Hore KGS ahaana Hogayaamiyahii Jabhadi RRA Marxuun AUN Col. Xasan Maxamed Nuur shaatiguud,oo uu dagaal dheer laga isbahaysigii uu Hogaamin jirey Genaral Ceydiid Ee USC& jabhadi Oramda Ee Itoobiya.

Sidoo kale Dr. Amaandhoorey ayaa cadayeey in Madoobe Nuunow maxamed iyo Taagyeeriyaashiisu aaney ka naxin Qaraxii ka dhacey baydhabo, xili uu ka maqaana magaalada Baydhabo isla markaana ku tabashleynayeen Magaalada Muqdisho, oo xitaa wax hadal ahi aaney yirin iyo weliba i aaney gaarsin wax gargaar dadki ku dhaawacmey Qaraxaas, isago6 sheeganayo madaxweynaha lixda Gobol ee kGsoomaaliya, waa sida hadalka u dhigey ee.

Si kastaba ha ahaatee, Dr. Amaamdhoorey ayaa si cad u sheegey in sharafta iyo Karaamada guud ahaan umada kGsoomaaliya, ay ku imaan karto inay dagaalamaan iyo weliba ay la yimaadaan Diplosamaasiyad Furfuran.

Ugu dambeyntii hadalkan ka soo yeerey Dr. Amaandhoorey ayaa waxa laga yaaba in aaney dad badan oo kG Soomaaliya ah aaney fahmi karin ama si kale ay u fasirtaan aygoona, weliba Eegin micnaha dheere ee ku dhex jiro Fariintani.
Hoos Ka Daawo Dr. Amaadhoorey oo Hadalo Qiiro Leh Jeedinayo iyo Sirar badan Ka Shafey.

amaandhoorey

Idale News Online. Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com