Waxa maanta oo Jimce ah la dareemayaa cabsi dheeri ah guud ahaan dalka Masar ka dib hadal dhillo colaadeed xambaarsan oo ka soo yeeary dhinacyada isku haya talada dalkaasi.
Afhayeenka xisbiga Ikhwaanka Masar Gehad El-Haddad ayaa sheegay in ka go’an tahay in ay ridaan ciidamada talada dalkaasi Maroorsaday. “Waxaanu mar walba ka soo horjeednaa Colaada, waxaase naga go’an in aynu diidmo ku wejahno afganbigii ciidamada, diidmadana waan wadeynaa inta aanu ciidamada rideyno”ayuu yiri afhayeenku.
Wasiirka arrimha guddaha ee Masar Maxamed Ibrahim ayaa sheegay dhawaan in dawladu dib u hawlgelineyso ciidamadii amniga ee dawladii Maxamed Xusni Mubaarik.
Oraahdaa ayaa si weyn u baqo gelisay kooxaha u dooda xuquuqaha aadanaha ee ka hawlgala dalka Masar. Si kastaba ha ahaatee waxa xalay dhaqan galay bandoow ay ciidamadu ku soo rogeen magaalada Qahira. Dawlada dalka Masar ayaa sheegtay in ay Ikhwaanku laayeen 43 ciidamadooda ka mid ah halka wasaarada caasimaadka dowlada kmg ee Masar sheegeen ilaa 600 qof oo akhwaanka ay dhinteen. Ikhwaanka ayaa sheegay in ciidanka military dileen in ka badan 2600 oo qof halka in ka badan 4000 oo qof ay ku dhaawacmeen dagaalkii maalintii Arbacada aheyd ka dhacey Masar.
Maanta ayaa Ikhwaanka taageera Madaxweynihii la afgenbiyay ee Maxamed Morsi ugu magacdareen “Jimcihii Gadoodka”. Waxaana jira baqo weyn oo shacabka guryahooda ku heyn doona.