Daawo: Siyaasi caan ah oo yiri “Magaca Villa Somalia hal qabiil ayaa lagu koobay, Madaxweyne Xasan in la sixray ayaan u maleeyey qofkii aan kasaayey ma ahan”

0
213

DR Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ahaa musharaxiintii u soo tar tamay xilka madaxweynimada dalka Somalia ayaa  markii ugu horaysey waxa uu fashiliyey Inay xiligani madaxtooyada Villa Soomaaliya ahayn in magaca ku sii shaqeyso inta uu madaxweyne Xasan haayo xilka madaxtinimada Soomaaliya.

DR Maxamed Yaasiin ayaa sheegay In  xiligani qof kasta oo Soomaali ah  oo taga magaalada Muqdisho uu dareemayo qariibnimo maadama madaxtooyada dadka ka shaqeeya oo dhan xitaa  shaqaalaha hoose iyo kuwa sare sida kariyaha, wardiyaha iyo nadaafada hoose ay wada yihiin dad hal beel ka so jeeda oo ah beesha madaxweynaha.

Shaqaalaha ka shaqeeya Madaxtooyada oo kor u dhaafaaya ilaa sideed boqol oo shaqaale ayaa in ka badan 750 shaqaale ay yihiin kuwa hal heeb ah, taasoo  meesha ka saareysa in madaxweynuhu u dhaxeeyo ama u siman yahay beelaha Soomaalida oo aad ula yaaban farsamada madaxweynaha iyo sida xeeladeysan oo shaqaalaha dowlada sida Villa Somalia iyo xarumaha kale ee dowlada loogu meelaayo beesha madaxweynaha ka soo jeedo.

mohamedYasin
Idale News Online