Shirka 45aad ee wasiirada Arimaha dibada Doowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, ayaa lagu wadaa in markaan lagu qabto Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Wasiirka Arimaha Dibada DF Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in shirka wasiirada Arimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD markaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho.
Beyle, ayaa sheegay in wasaarada uu madada ka yahay dadaal ku bixisay, sidii shirka wasiirada Arimaha Dibada IGAD markaan loogu qaban lahaa Caasimada Soomaaliya.
“Soomaaliya waxay isku xirtaa Afrika iyo Asia, sidoo kale waxay isku xirtaa Afrika iyo China” sidaasi waxaa yiri Dr Beyle oo ka hadlayay Muhiimada ay Soomaaliya u leedahay Caalamka.
Halkaan ka dhagayso hadalka wasiirka:
<r>.
Idale News Online, Muqdisho.