Daawo: Shir madaxeedka IGAD oo hadda ka furmay Muqdisho

0
183

Muqdisho(INO)–Shir Madaxeedka 28aad ee Urur Goboleedka IGAD,ayaa  ka furmay Muqdisho,waxaana si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud.

Shirkan waxaa looga hadlayaa xaaladda Dalka Koofurta Suudaan oo ay ka jirto Colaad Sokeeye,sidoo kale waxaa laga hadlayaa doorashooyinka Soomaaliya iyo iskaashiga Waddamada IGAD.

Madaxweynayaasha Waddamada Uganda,Kenya iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa jooga sidoo kale Wakiillo ka socda Dalalka Suudaan iyo Suudaanta Koofureed ayaa ka qeyb galaya.

Madaxweynaha Jabuuti oo isna la filayay in uu qeyb galo SHirka ayaa Diyaaraddii soo qaadday cillad farsamo qabsatay waxaan aay dib ugu laabatay Dalkaas iyada oo ay bad qabaan Dadka saaran.

Urur Goboleedka IGAD oo la aas aasay 1986dii,waa markii ugu horreysay ee ay Shir Madaxeed ku yeeshaan Magaalada  Muqdisho.

0102030405