Daawo: Shil tareen oo ka dhacay India oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 100 qof

0
185

Mombia(INO)- Tareen ka koobnaa 14 qaybood ayaa waddada ka baxay Waqooyiga dalka Hindia, meel ku dhaw magaalada Kanpur habeenimadii Axadda. Ugu yaraan 100 qof ayaa ku geeriyoodey shilkan. Xiliga shilku dhacaayey ayaa dadka badankiis ahaayeen kuwo hurda , waxaana tareenku ku socdey xawaare aad u badan.

Waxaa goobta gaarey shaqaalaha badbaadinta, waxaana ilaa hadda ku dhaawacmey 150 qof ookamid ahaa dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa.

Tareenka shilka galay ayaa noociisu ahaa kuwa dheereeya Indore-Patna Express. Magaalada Kanpur ayaa noqotey meel ay tareenadu ku xirmeen kadib shilkan waxaana ku sugan tareeno aad u badan oo sida dad rakaab ah.

Madaxa shirkadda Tarenada ee dalka Hindiya Suresh Prabhu ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in ay baari doonaan waxa sababey shilkan oo ay caddaaladda horgeyn doonaan kuwa denbiga yeesha.

tareen

tareenka

Shilalka Tareenka ee dalka Hindiya ayaa ah ku caadi ah oo muddo badan soo noq-noqdey.