Daawo: Sheikh Cabdi Dheere Gudoomiyaha Barlamaanka Jubaland oo u duceeyey wasiir dibadeedka Itoobiya Tedros

0
208

Kismaayo (INO) – Hoolka uu ka dhaceeyey  munaasadii caleemo saarka barlamaanka Jubaland ayaa hal mar qosol la dhacey ka dib markii gudoomiyaha barlamaanka cusub ee Jubaland Sheikh Cabdi Maxamed C/raxmaan (Sheih Cabdi Dheere) uu u duceeyey wasiirka arrimaha Dibada Ee dalka Itoobiya Tedros oo isaga goobtaasi joogey.


Madaxda Goobjooga ka aheyd shirkaasi, waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh, Wasiirada Arrimaha dibada ee Kenya, Amina, Wakiilka IGAD Afeey, Xoghayaha Guud ee IGAD Eng Maxbuub, Wakiilka Itoobiya ee Arrimaha Siyaasada u qaabilsan IGAD jeneraal Gabre, Madaxda mamaul gobolleedka Puntland iyo Jubaland iyo masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo aad u badan.
abdiDheere
Wasiiirka Arrimaha Dibada ee Itoobiya oo loo fasiraayey waxa ay dadka ku qosleen ayaa isna si aad ah u qosley markii loo sheegay in Sheikh Abdi dheere ugu duceeyey in Ilaahey kheyr siiyo maadaama uu isagu ka shaqeeyey inuu noqdo gudoomiyaha barlamaanka ama halka uu maanta joogo.

Idale News Onlie, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here