Daawo Sawirrada:Kulankii Sabeen Xirka Ahaa ee Dhex Maray Beesha Asharaaf Iyo Gollaha Guurtida Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

0
252

Kulankaan dhexmaray Beelweynta Asharaaf iyo Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed ayaa ahaa mid sabeen xir ah oo looga raali geliyay Koonfur Galbeed fikirkii xildhibaan ee Shariif Xasan.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Gudoomiyaha Gollaha Guurtida, Gudoomiye ku xigeenada iyo qaar kamid ah Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa beesha Asharaaf waxay kusoo bandhigtay Malaaqooda cusub, waxayna raali gelin buuxda ka bixiyeen fikirkii 3da Gobol ee ay qaateen Shariif Xasan iyo Malaaqii hore ee beesha.

Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Malaaq Xasan Shurre ayaa sheegay inay aqbaleen Sabeen xirka Beesha Asharaaf ay soo sabeen xirtay, wuxuuna Malaaq Xasan Shure sheegay inay soo dhawaynayaa Malaaqa Cusub ee Beelweynta Asharaaf.

Waxgaradkii Beesha Asharaaf ee kulanka soo xaadiray ayaa si wadajir ah u sheegeen in ay u wada taaganyihiin Difaaca Koonfur Galbeed haday ahaan laheyd Dhaqaale iyo Ciidan intaba.

Sabeen xirkaan ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed uu howlo shaqo kaga maqanyahay magaalada Baydhabo oo ah xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

316

316416316140911814713520416316316

Idale News Online.