Daawo Sawiro:Ciidamada badda Talyaaniga oo soo badbaadiyay qaxooti gaaraya 4,500 badda Mediterranean

0
319

Malta(INO)— Ciidamada badda ee dalka Talyaaniga ayaa ka soo badbaadiyay xeebaha badda Mediterraneanka qaxooti gaaraya 4,500 kuwaasoo la socday dooman yaryar oo ka soo shiraacday dalka Libya.

Mid ka mid doonyihii ay la socdeen qaxootigan oo dalalka ay ka soo jeedaan aan weli la shaacin ayaa laga helay meydka qof dumar ah. Cimilada oo degen awgeed ayaa kumanaan ruux waxa ay isku soo biimeynayaan badda si ay ugu gudbaan qaarada Yurub.

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in afartan jer oo ay  howlgalo badda ka sameeyeen khamiistii ookaliya ay ku soo badbaadiyeen dad gaaraya 4,500 oo ruux.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in howlaha ay ku badbaadinayaan dadka qaxootiga ah ay sii kororto iyadoo laga yaabo in ay sare u kacdo dadka badda isku soo biimeynaya.

Sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobay inkabadan toban kun oo ruux oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintey badda Mediterranean tan iyo sanadkii 2014 iyadoo dadkaasina ay doonayeen inay galaan qaarada Yurub.

jj

tahrib

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.