Daawo Sawiro : Tartan Qur’aan Akhris Ah Oo Ka Bilowdey Masjidka Jaamac Ee Magaalada Baydhabo

0
536

Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay waa Magaalo astaamaha lagu xasuusto ay ka mid yihiin Xufaada Qur’aarnka Kariimka ugu badan Geyga Soomaaliya laga helo.

Isla markaana waxa ka soo dhex baxay Muftigii Somaliyeed ee  Sheekh IBraahim Suuley iyo Culimo fara badan oo sanadkii 1996kii xiligii maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ka bilaabmi jireen isagoo Masjidka Jamaca Baydhabo ka qudbeynaya ayuu yiri

“Hadii  Soomaaliya  Kitaab Laga Waayo Soomaali Oo Idil Waxaa  Dib U Qorista Qur’aan Laga Sugi Lahaa Reer Baydhabo Janaay” ayuu yiri.

Hadaba qiimayntaasi iyo welib hadii guri-guri Baydhabo inta quraanka dhameysey la qiyaasana ugu yaraan gurigii 7 qof ku nool 4 waa ay dhameeyeen waa xaafidiin, Intaasi iyo inka badan oo ayaa astaanta diimeed ay ku leedahay Magaalada Baydhabo.

Waxaa maalintii Isniinta Masajidka Jaamac Baydhabo ka bilowdey Tartan Quraan Akhris oo ay ku tartamayaan 120 Ardey oo da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 7jir. Ardadaasi ayaa ka kala yimid 66 dugsi quraan oo Baydhabo ka shaqeeya .

Mashruucan Tartanka Quraan Akhriska ayaa waxaa iska kaashanaya Maamulka Masajidka Jamaca Baydhabo iyo Lajnada Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo.

Furitaanka waxaa ka hadlayay Culumaa’udiin Badan oo uu ka mid yahay Sh.C/qaadir Xasan Abaynaa

“Waxaan Mashruucani u qabanay dhiiro gelinta Ardada iyo Macalinkooda in aanu siino Abaal marin kuwii kaalmiha kowaad ilaa afaraad gala “ ayuu yiri Sheekh C/qaadir.

Sidoo kale Shariif Cabdala Ealay Oo ka mid ah Ganacsatada Baydhabo ayaa isna sheegey in loogu tala galay ardada tartankaani loo qabtey sidii Aabe iyo Hooyo kasta caruurtooda halka waxbarashadooda iyo aadista dugsigooda ka warqabaan si sanadaha soo socda oo abaal marintu gaari doonto ardeygii kowaad gala waalidkiisa lasoo xajiisin doono.

Ugu dambeyntii waxa abaal marinta laga codsanayaa qofkastoo Miisanka Xaaful Quraanka uu leeyahay yaqaano si uu u noqdo Ahlulaah oo ah dadka diinta xurmeeye dugsiyada lagu barto dhisa dhaalibul diinka daryeela.

Halkan Ka Daawo Sawiradda.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay