Daawo Sawiro: Maalinta Caruurta Afrika Oo Lagu Xusey Magaalada Baydhabo

0
441

Baydhabo(INO)-  Munaasabad lagu xusayey maalinta Caruurta Afrika ayaaa laguqabtay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Munaasabadan lagu xusayey maalinta Caruurta Afrika oo ay soo qabanqaabisy wasaarada Haweenka iyo xuquuqul insaanka Koonfur-Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiiro,xildhibaano , Gudoomiyaadha Gobolka Bay iyo Degmada Baydhabo ayadoo kulanka laga soo qaybgeliyey caruur isugujirta gabdho iyo wiilal.

Qaaradda Afrika, waxaa maanta looga dabaaldegayaa Maalinta Carruurta Afrika, astaanta sanadkan 2016ka waa sida loo ilaalin karo xuquuqda carruurta xilliyada dagaalka iyo laalonka ay ka jiraan Afrika.

Afrika waa qaaradda ugu dagaallada  badan dunida oo dhan, waxaa lagu dagaalaa xukun, dhul, qabiil iyo sababo kale, caruurta, haweenka iyo dadka loo yaqaano birimageydada ayaa ah dadka u nugul dhibaatada ugu badan.

Dalkeena Soomaaliya ayaa sidoo kale sanad walba looga dabaal degaa Maalinta Caruurta Afrika 16-ka June, Laakin waxaa laga hadlaa caruurta iyo xuquuqdooda xilli carruurta Soomaaliyeed lagu tiriyo Carruurta Qaaradda kuwooda ugu dhibaato badan.

Hay’adaha u dooda xuquuqda Carruurta ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ka mid tahay goobaha ugu khatarsan Qaaradda Afrika marka laga hadlayo Caruurta lagu shaqeysto, Carruurta hubka loo dhiibo ama kuwa is qarxiya, Caruurta Waxbarasho la’aanta la dhigo iyo Caruurta daryeel la’aan iyo cuduro u dhamaata.

Tiro badan oo carruurta Soomaaliyeed ah waa lagu shaqeystaa, Waalidka ama dad kale, arrintaas oo liddi ku ah xuquuqda carruurta.

Halkan Ka Daawo

Wariye Abshir Maxamed Nuur,Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.