Daawo Sawiro: Khabiir Sare Oo U Dhashey Dalka Jarmalka Oo Maanta La Kulmey Gollaha Wasiirada KGS

0
168

Baydhabo(INO)- Khabiir Sare Oo U Dhashey Dalka Jarmalka oo qabilsan Arimaha Maamul Goboleedyada pDalka Soomaaliya Ee Dhanka Wasaaradaha ayaa Maanta waxa uu kulan la qaatey Gollaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa Waxa Hogaaminayeey Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Sharif Xasan Sheikh Aadan.

Khabiirkan u dhashey dalka Jarmalka ayaa waxa uu sheegey in uu kulmo gooni gooni ah la qadan doono Wasaaradaha Koonfur Galbeed Soomaaliya isagoona sheegey in wax badan la qabtey.

Si Kastaba ha ahaatee, Wasaaradaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay ku kooban yihiin 29, iyadoona ay leeyihiin Ku Xigeeno tiro badan iyo 5 Wasiiro Dowle, Kuwaasoo intooda badan aysan Shaqeeynin wax naf leh Mudadii ay jireen,khabiirkan ayaa la sheegey inuu qiimeyn ku sameyn doono tayada iyo waxqabadkooda.

Ugu dambeyntii, Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa Waxay la daala dhaceysa Dhaqaallo Xumo, Amaanka Degaanadeeda iyo Raadinta Saamiga Dowlada Dhexe Ee Doorashada 2016, Iyadoona aan lahayn Hanaan Maaliyadeed Oo Toosan oo Shacabka iyo Beesha Calaamka ay ku kalsoonaan Karaan.

Halkan Ka Daawo Sawiro

01020305040607