Daawo Sawiro: Dr. Faysal Xasan Cadow Oo Baydhabo Kaga Dhawaaqey Musharax BFS Ee 2016

0
186

Baydhabo(INO)- Dr. Faysal Xasan Cadow oo ka mid ah Aqoonyahanada soomaaliyeed  Kana hawl gali jiray arimaha samafalka ayaa maanta isku soo sharxay Xildhibaan Qaran.

Xili maalmo yar ay ka harsan tahay Doorashada Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayna magaalada Baydhabo ka socoto dhaqdhaqaaq Xoogan Ee doorashooyinka ayaa maanta waxaa musharaxnimadiisa shaaciyey Dr.Faysal Cadow isku soo taaagay in loo doorto mudanayaasha Baarlamaanka federalka  Ee 2016-09-20

Munaasabada ayaa waxaa  ugu horeyn ka hadlay Mushax Dr Faysal Cadow oo qudbad dheer oo uga hadlaayey taariikh nolo leedkiisa  iyo waxa uu qaban doono marka loo doorto mudane Baarlamaan oo sheeegay baahiyo badan oo xiligan bulshadu ubaahanyihiin.

Ugu dambeyntii,  masuuliyiintii iyo waxgaradkii kasoo qaybgalay munaasabada ayaa soo dhaweeyey  qodobadii  musharaxa  ka hadlay iyo codsigiisa oo ah in loo doorto Baarlamaank federalka 2016-2020 iyagoona ka dhawaajiyey  in dalku uu u baahanyahay isbedel siyaasadeed oo aqoon ku dhisan tahay.

 Halkan Ka Daawo Sawiro.010203040506

 

Wariye Abshir Maxamed Nuur (Mandella). Idale News Online, Baydhabo