Daawo sawiro: Ciidamada shaqada laga ceyriyey oo markale Banaanbax dhigay.

0
201

Ciidamo isugu jira ciidamada naafada iyo kuwo dhowaan shaqada laga ceyriyey ayaa maanta Banaan bax ka dhigay Taalada Sayidka oo u dhow Aqalka Madaxtooyada .

ciidamada shaqada laga ceyriyey ayaa sheegay in mudo sanad ku dhow wax mushaar ah aynaan ka helin Dowlada iyo in markii danbe ka war heleen in shaqada laga ceyriyey.

Taliyaha ciidanka xooga  Dalka Gen.( Indha Qarshe ) ayey ku eedeeyeen inuu masuul ka yahay inay shaqada ka tagaan.

waxay kaloo sheegeen inay ka cabsi qabaan weeraro ay kala kulmaan Alshabaab, waxay sidoo kale ka codsadeen Baarlamaanka inay si deg deg ah ku soo fara geliyaan.

ban1ban2ban3ban4ban5ban6ban8