Daawo Sawiradda:Somalia iyo Qadar oo Arimo badan ka hadlay.

0
228

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Zuheir Abdulkadir Hamad Alsayed oo ah Madaxa Xafiiska Hey’adda Bisha Cas Qatar ee Soomaaliya , oo ay ka wada hadleen kordhinta gargaarka caafimaad hey’adani ay gaarsiiso gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Madaxa Xafiiska Hey’adda Bisha Cas Qatar ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlaha ay ka qabtaan Soomaaliya si gaar ah adeegga caafimaadka, isagoo sheegay in degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ay ka dhiseen Isbitaal weyn ,iyadoo arrinkaasi ay kala kaashaadeen Ururka Iskaashiga Islaamka , waxa uuna balan-qaaday in gurmad caafimaad iyo gargaar samafal ay gaarsiin doonaan dhammaan deegaanada xaaladaha degdega ah ay ka jiraan ee dalka Soomaaliya.

Dhankiisa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa Ku booriyay hey’adda Bisha Cas Qatar inay balaariso howlaha adeegga caafimaadka ,loogana baahan yahay inay dib u dhis iyo qalabeyn ku sameyso Isbitaalada ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka si dib loogu soo celiyo adeegga caafimaadka bulshada .

msom891 msom89 msom88

Idale News Online.