Daawo Sawiradda:Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud oo maanta tababar u soo xiray dufcadii labaad Ciidamo Kumaandoos ah

0
210

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta tababar xerada Jaziira ee duleedka Muqdisho ugu soo xiray dufcaddii labaad ee ciidamada gaarka ah Komaandooska ee Danab iyo saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah, waxaana munaasabadda xirtaanka tababarkani ka qaybgalay madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud. 

Munaasabada ayaa lagu soo xiray tababarka ciidan ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa, Taliyaha CXD Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo sii hayaha xilka wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Ugu horeyn ayaa waxaa madasha ka hadlay Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaq qarshe oo sheegay in ciidamadani ay yihiin dufcaddii labaad ee komaandooska ay yeelanayso Soomaaliya, isagoo ciidamadan ku ammaanay inay tababar aad u sarreeya qaateen, uuna rajeynayo inay isbedel dalka ka sameyn doonaan.


Sidoo kale,waxaa isna xaflada ka hadlay sii-hayaha wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Soomaaliya ay dagaal kula jirto wuxuu ugu yeeray kooxda argagaxisada, loona baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto dagaalkooda si dalkan nabad looga dhigo muddo fog kaddib.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada tababarka dhameysatay si aad ah ugula dar daarmay in tababarrada ay qaateen ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaan, waxaana uu ku boorriyay in howlgallada socda ay qayb lixaad leh ku yeeshaan.

“Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalkan nabad aad ka dhigtaan,” ayuu madaxweynuhu ku yiri ciidamada tababarka loo soo xirayay.

Ugu danbeyntii ciidamada tababarka loo soo xirayay ayaa goobta ku soo bandhigay gaado ka cayaar oo ay ku muujinayeen waxay soo barteen.













Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here