Muqdisho(INO)-Qarax qasaaro geystay ayaa goordhow ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Banaadir, kaasi oo lala eegtay macalin ka tirsan macalimiinta Jaamacada Simad ee magaalada Muqdisho.
Macalinka oo magaciisa lagu soo koobay C/Xaliim ayaa marayay meel ku dhow baar Fatxi oo ku yaala xaafada Taleex ee degmada Hodon, waxaana kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya.
Dhaawaca macalinka ayaa la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana wararka ay sheegayaan in lugtiisa uu ku waayay qaraxa maanta gaarigiisa loogu xiray.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Jaamacada Simad oo ay kaga hadlayaan qaraxa gaarigiisa loogu xiray macalinka ka tirsanaa Jaamacada Simad.
10-kii Bishii Decembar sanadkii dhamaaday ayeey aheyd markii Magaalada Muqdisho lagu dilay Ibraahin Maxamuud Xaamud oo ahaa Kuxigeenkii Jaamacada Simad ee Magaalada Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho.