Xafladan oo ay soo abaabuleen waxgaradka iyo aqoonyahanka ka soo jeeda Gobolada Konfur Galbeed Somalia ee ku nool magaalada Columbus waxa ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan maamulka cusub ee uu madaxweyne goboleedka ka yahay Shariif Xasan shekh adan.
Intabadan dadkii ka hadalay ayaa ku dheeraaday marxaladihii xanuunka badnaa ee ay gobolada Baay Bakool iyo Shabeelada Hoose soo mareen mudadii ay dalka ka jireen dagaaladii Ahliga ahaa, waxayna ugu baaqeen maamulka cusub in uu la yimaado qorshayaal iyo waxqabad isbadal xanbaarsan, oo ay dadku ku ilooban dhibaatooyinkii ay soo mareen.
Aqoonyahankii ka hadlay xaflada ayaa ka sheekeeyay Taariikhda dalka iyo xaaladaha gobolada iyaga Hogo tusaaleeyay Madaxweynaha in looga fadhiyo in uu goboladaas gaarsiiyo halka ay gaareen maamuladii mudada soo jiray, waxayna dhanka kale qaarkood codsadeen in caasimada maamulka laga dhigo magaalada xeebta ku taal ee Baraawe.
Dhanka maamulkii 6da gobol ayay ku tiliyeen in si dag dag ah loo soo afmeero isla markaana wada hadal hirgala lala yeesho dhinacyadii howshaasi watay, si loo gaaro halka la hiigsanayo oo ah Midnimo iyo isku duubni ay yeeshaan dadka 3da gobol ee Konfur Galbeed Soomaaliya.
Arimaha dib u heshiisiinta oo ah mid ahmiyad weyn u leh dadka goboladaasi ayay si weyn ugu cel celiyeen masuuliyiintii ka hadlay oo cod dheer uga codsaday madaxweynaha maamulka konfur galbeed Somalia in uu xooga saaro sidii loo heli lahaa dib u heshiisiin dhab ah.
Kooxaha madadaalada oo qeyb ka ahaa xaflada ayaa soo bandhigay ciyaaraha dhaqanka, heeso wadani, ah Shirib, iyo Buranburo.
Idale News Online, Columbus,Ohio